Posts

Showing posts from January, 2019

Xirfadaha iyo nolosha somalida

Image
Aynu si yar oo kooban u dulmarro sadexdan kelmadood ee hoos qotoma: Tumato Raacato  Beerato. Waagii horre dadka soomaaliyeed waxay u kala bixi jireen saddex nooc oo kala ah Raacato oo laga wado dad dhaqda noocayadaa kala duwan ee xoolaha , sidoo kale dadka Soomaliyeed waxay ahaayen Beerato inkastoo nolosha beeratadu bilaabantay xiliyo dambe  labadaa waxa soo raaca waa Tumato,waa waa muruq maal xoogsato ah oo xalaal quute ah waana farsamayaqaan laf dhabar u ah nolosha somalida lakin inta badan wuxu la kulmaan xajiin kaga timaada kuwa u adeegayo.

By Hassan Haji Abdulaahi ( Ganey)Drama of catastrophe teaches the world

Image
Marka aad dhuuxdo ee dhugatid murtida hal abuurka soomaliyeed waxad fahmaysaa in suugaantu somalidu salka ku hayso cilmiyo badan oo xidhiidh la leh aqoonta aduunka  taas waxa u tusaale ah halqabsigan riwaayadii loogu wanqaley Masiibadu yadaa u macalin ah aduunyada ee abwaan Xasan Xaaji Cabdulaahi (Ganey) , sidoo kale dadyagwa kalena waxay la feker yihiin Xasan Xaaji Cabdulaahi oo yana waakuwa leh (catastrophe teaches the world) macanaheeduna noqonayo masiibadu yadaa u macalin ah aduunyada

Poems by Mohmed Ibraahim Warsame Hadraawii

Image
POEMS BY Mohamed IBRAhim WARSAME ‘HADRAAWI’ Settling the Somali Language   bud dhiga afka hooyo The Killing of the She-Camel  Hal la qalay Life’s Essence  sirta nolosha Amazement  cajab Society  bulsho Clarity  daalacan

Moogananaata dadkeena ee waxtraka geedka Mooliga ama Dragon Tree

Image
Geedkan inta badan wuxuu ka baxaa dhulka Somaliland, sidoo kale meelo kala duwan oo dunida ahna wuu ka baxaa lakin anigu waxan ku arkay buurlayda gobolka Sanaag ma hubo inuu ka baxo meelo kale oo dhulka Somalida ah  magaciisuna waa  (Mooli) oo wuxuu ka baxaa buurta korkeeda sarre  afka qalaadna waxaa loo yaqaan (Dragon) waa geed leh munaacafad dhanka dadka iyo duunyadaba ah wuxu geedkani sii daaya dareere cas oo afka qalaad lagu yidhaahdo Dragon's Blood hadaba xabagtan ayaa loo ismticmaala dhanka qurxinta dumarka oo waxaa laga sameeyaa lipsticks ay dumarku ku qurxiyaan afkooda, xiliyada qaar waxaa laga sameeyaa Ranji la mariyo Furniture ka sidoo kale waxa laga sameeyaa xabagta wax lagu dhejiyo intaas oo keliya maaha ee waxaa loo isticmaala dhanka daryeelka caafimaadka oo waxaa laga sameeyaa( calamine lotion) dawooyinka lagula dagaalamo nabarada ka soo baxa jidhka sidoo kale waxa loo adeegsada cadanyada ama cun-cunka iyo nabar qalajiyayaasha ,waxa kale oo l...

Qaar Ka mid ah magacyada codadkii iyo heesihii qaraamka ahaa

Codadka Heesaha lagu qaado waa in ka badan 66 cod oo ah codadkii loo yaqaaney qaraamka lakin dadkeenu hees kasta oo lagu tumo kaban waxay u ugu yeedhaan qaraam lakin qaraamku wuxuu leeyahay codad gaar ah sidoo kale wuxuu leeyahay taarikh fog oo aad u dheer haddaba waxan idinla wadaagii doonaan qaar ka mid ah codadkaa oo ay ka mid yihii kuwani. Laac Kar Nugul Rogaal Subcis Hilaac Mudan Higsad Hayaan isku shuban Ila dheel Jiib Sadex Qayd Murug Xasuus khobor Riiftoor Damaam Xaafuun Banaadir

Erayada Heestan Gufaaco waxaa hal abuuray Ciise Warsame Dhancade luuqduna waa Maxamed Saleebaan Tubeec

Image
is guhaadshay inta aan guntaday gucla roorayeey godobtay nin qaba garan waayayeey…. Aniguna garaadkay kaa gaabsan waayee adna garashadaadii ii garaabi waydee dhibta aan galaayana i gargaari mayside Gudcurkaan habeenkii dhaxanta iyo gawraha aawadaa go’doomee… Naftan guga iyo jiilaal biyo gaadhi wayday waa guul aroorkaa sida geed harwaynee galin laysma taagoo wali maan gayoobine waaloo garaabaa ruux gaabinaayee Gacalnimada ii goo… Gufaacaale rooboo guux iyo dabaylaa halka uu igeeyaba gacankii iqaadyee garana maayo meeshay godobtu iga raacdee waxan gaystay mooyee ifkuu dhibi igaadhee hadalna wayga go’aye. Fiiro Gaar ah:Heestan waxaa sameyey abwaankii weeynaa ee Ciise Warsame (Dhancade)  Laxanka ama codkana waxaa u sameyeye Cabdalle Sagsaag, Ciise wuxuu ahaa hal abuur ,heesaa ah oo waadiga dhegaystay isagoo ku luuqaynaya heesta sida aarka gudda oo eraydeedana isla isaga uun baa leh, .Heestan Gufaaco Maxamed Saleebaan dib ayuu u duubay sida aad ka garan karto Music ga heesta oo aan aha...

Geedka todobaadku waa malmalka( Myrrah)

Image
Geedkan inta badan wuxuu ka baxaa waddankeena waana geedka dhidinka afka qalaadna lagu yidhaahdo(Commiphora) Marka xabagta laga jaffo waxaa la yidhaahdaa Malmal afka qalaadna ( Myrrah) geedkanu wuxuu leeyahay wax tar caafimaad waxana laga sameeyaa dawooyin lagula dagaalamo caabuqa ama noocyada kala duwan ee infections ka x

Erayga Todobaaku waa Roob Ladhac

Image
marka aad dhuuxdo heeso dhawr ah oo oo abwaanadda somalidu samayso waxaad ku maqlaysaa erayga (roob ladhac ) roob ladhacdu waa dullan ama noole yar oo ciida hoosteeda ka soo baxa marka roob curto xiliyadda qaar, afka qalaadna waxaa lagu yidhaahdaa(  Red velvet mites or rain bugs  ) lakin abwaanada somalidu waxay ku sifeeyaan hablaha midabkooda oo ay ka wadaan casaan. waddamad qaar ama bulshooyinka qaarkood xayawaankan waxay ka raadiyaan fa'iido caafimaad oo waxay ku dabiibaan cudduro dhawr ah  oo ay ka mid yihiin cudurada raga ka dhiga hawl gabka ama ( erectile dysfunction) wadanka India waa halka ugu badan ee loo isticmaalo dawo ahaan noolahan waxayna ka tuujiyaan 

Erayada Jaamac saleebaan Tubeec luuqda Aamina Feer Iyo Maxamed Saleebaan Tubeec

Image
Geraar hordhac ah – Aamino Feer: Galalow yaashanayaalbaan galowgiyo ugaadhi geesaha dhaafee aday gogoli kuu taal galadayda dhaaxaan geed iyo har jiifay haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa Geeraar hordhac ah – Saleeban: Anoo kuu go’aayoo garabkaa filaayaad axdigeenii goysoo geesta iga dhaaftee nabsigii gaaxsanaabaa gooyaha ku gooyee guur ha iga filanine gurigaygan ii dhaaf Aamina: Nabsi ruuxii gaaxshaa godobtiisa maalee sidan aniga kuu galay gafi maysid adiguye aargudashadaaduna kor ilaahey weeyee haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa Saleebaan: Qofkastaa abaalkii yahay guul daraantee waxan ahay nin gabaryahay gacantaada midigtee waxan ahay garaax iyo godobtaan dugsanayee guur haiga filanine gurigaygan ii dhaaf Aamina: Adoo gacal isoo biday waataan ku gowrshay ku garwaaqsan waayey kaa saartay gacantee waxan aniga goostaa goobtaan i joojee haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa Saleebaan: Waxan ahay nin gacalkii owgaa u gooyoo waxan ahay gargaarkii ga...

Erayada Cali Cilmi aflow Luuqdii Xasan Aadan Samatar

Image
Gudgude siduu yahay gud gude roob geyr iyo dabeyl badan banaan geed laheyn iyo dhul gelgelina kaa helay jaceyl igu gadaantoo markuu ganafka heeryada guudkeyga saarey i gurguriyey caashaqu ee uu gibisha igu xirayey i garwaaqsan weydoo gacanta igu seeydhee anna gooha riinkiyo gocoshada ma daayee meeleey ku geysaba godobteyda la caraaw. Fiiro Gaar : Heestan waxaa sameeyey abwaan Cali Cilmi aflaw waaba riwaayadii Hablaha maanta iyo nin Holaday guur

Eryada Maxamuud Maxamed Yaasin (Dheeg) Laxanka Xasan Sabriye afrax Codkii Xaliimo Cumar Khaliif

Image
Ma salguuro caashaqa Ani sibiq ma igu yidhi Intuu samada ila tegay Saxar-qaadda fooraha Dul-sabbee! ma igu yidhi Dhalanteed ma igu sabay Soojeede maqan oon Seexanayn ma iga dhigey Ma salguuro caashaqa Ani sahal ma igu helay Intuu soortii iga jaray Suun adag ma igu xidhay Ma i saaray heegada Wax sanceeya ma u la’ahay Saakana maygu weyn yahay Suxullada ma ii dhigay Ma salguuro caashaqa Ani salow ma igu riday Sambabbadiyo feedhaha Intuu surimmo kala baxay Ma ku soofay xididdada Seedihiyo lafaha iyo Wadnihii ma sarayoo Halistii ma sudhan yahay Fiiro Gaar ah: heestan waxaa hal abuuray awbwaan Maxamuud Maxamed Yaasin (Dheeg) Laxankana waxaa ku ladhay Xasan Sabriye Afrax

Erayada Heestan waxaa Leh Xasan Qawdhan Yuusuf Codkii Axmed Liibaan

Image
Haddii meel barwaaqaa Oo ay midho kamuuqdaan Maanku kaaga maqanyahay Aneey midigtu gaadheeyn Mahadhee mirtiisaa Miyir li i ku keentee Miidaamo dhaga maleh Hadduu malag dhawaaqee Magansaday wadkeygee Haddii mayayga roobiyo Mahiigaan hillaacoo Maragga iyoo jiicuna Ay malab da aayaan Markaad masaariyo Mankag kuu harraadee Miidaamo dhago maleh Hadduu malag dhawaaqee Magansaday wadkeygee Maqnaatoo imudatoo Anaa muusannaabee Waa muuriyo waabay Mara boog sideediyee Nafta murugadeedaa La meeraysanaayaa Miidaamo dhago maleh Hadduu malag dhawaaqee Magansaday wadkeeygee. Fiiro Gaar ah: Heestan Waxaa hal abuuray Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf

Erayadii Xasan Sh Muumin luuqdii Maxamed Mooge liibaan iyi Hibo Maxamed Hibo Nuura

Image
      M Mooge: Babaygii jamaamiyo Canbe jilib ku yaallaay Ubixii jannaaliyo Jowharad la moodyeey Jidhkaagaa udgoon baa Isoo jiidanaayee Wadnahayga jeexdee Jeegaan sideedaan Hay odhan jawaab xumi Geenyada jaraysani Ma taqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Ma mid jaahil ka ah baa Hibo Nuura: Jeertaa gadoodo Jirifka iska kicisee Ruuxii hor joogsada Howl yari ku jiidhee Sida jiir dhallaan helay Ha jirrabin naftaydee Waxaan kaaga jeedaa Jinow inaan wadaagnee Qarda jeexa iga daa Geenyada jaraysani Ma taqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Ma mid jaahil ka ah baa M Mooge: Jamaal qurux wanaageey Jalleecadaan ku eega ba Jacayl igu abuurmoo Kaa jeesan waayee Xageed iga jiraysayoo Jihadee baad ku noolayd Jeexaygii midigeey Jidka laysma taagee Jinoweey isoo raac Geenyada jaraysani Ma taqaan jikaarkee Jidiinkaagu raaxada Ma mid jaahil ka ah baa °°° Haamadayga jiilaal Ruux u janjiidhayee Jiirkiyo abeesada Jilif wayn lahayd Aan soo marin jidaal Dheer Ji...

Erayadii macalin Siciid Saalax iyo Codkii Macalin Sayid Khaliifa

Image
Sifaheeda sheekadan Sarbeeb  iga tusaale ah Sadaradan la yaabka leh somaliyeey garo Sayi iyo marwaa sideed lix ama afar Ama toban tiro dhalay Tarantu way iska socotaa Sebi kalaa u uurgalay waa sida kuwii hore Mida kalaa la sugayoo isaguna waxba aan sidan Hooyaa sidkeedki go'ay  sagaalkeedi buuxsamay Xuskii loo samayn jiray  sadqadii la qalay  iyo sitaadkii durbaankii Kuma iman sanqadhi Sebi ma uu dhalan Subaxii danbeetuu soo diray fariin dheer Dadka joogay sabadaa malaha waan Ka soocnaa waxan maqlay Sawaxankii sowdkiisa ilmihii Anaa huba sax iyo maan Sadarada tilmaamaantii Su aalaha odhaahdood Sadex heer u kala dhigay Sebigii aan weli dhalan wuxu yidhi Sokeeyow Qoyskaa i sababaw  maxaad Ii sababaysaan baahida aan soo sido qorshe ma u samayseen?, Sedk kaleba  bal daayo gurigiinan salabkiyo   Kala dhiman sariiraha xageebaan ka seexdaa? Iyadoo oon sodon jirin hooyada sirqawdee  sanad qudha mid iga weyn sintaa bidix ku h...

Erayada: Axmed Saleebaan Bidde Laxanka: Maxamed Cige Warsame (Ilbir)

Image
Tooga Erayada: Axmed Saleebaan Bidde Laxanka: Maxamed Cige Warsame (Ilbir) Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq) Tubeec Ninkan caashaqu taabay Uu tallaabo u diiday Waxan uu tabanaayo Adigow tari laaye Inta aad jar ka tuurtay Sow u maad tudhi waayin Maandeeq Niyow taaha ku raagay Ee tabaalada sheegtay Haddaad caashaq la tiicday Talo waa ta Ilaahee In la ii talinaayo Taa miyaanad ogaynba Tubeec Ifku waa talantaalli Ruuxba maalin tashaaye Haddaan taabka ku haysto Amba kaama tageene Tooga waa ma huraane Maad ka toosisid meesha Maandeeq Tabta roobku daruurta Hadba uu tus u keenaa Hadalkaad i tidhaana Iigu sii tarmayaaye Anoon kuu tudhi waayin Ha ku taamilo qaadan Tubeec Ninkan tiisu cuslaysay Adna kaa tegi waayay Nabsi wuu tukubaaye Hooy intaanu ku taabin Tooga waa ma huraane Maad ka toosisid meesha Maandeeq Waynagaa u tasownnay Tab...

Qaar Ka mid ah riwaayadihii Axmed Saleebaan Bidde

Image
qaar kamid ah riwaayadaha Axmed  Saleebaan   Bidde , abwaanku wuxuu leeyahay  riwaayado gaadhaya afartan sidoo kale waa abwaanka ugu heesaha  badan marka laga hadlayo hal abuuradda somalida , riwaayadii ugu horeeysay wuxuu ka bilaabay dugsigii hoyga ahaa ee dayaxa ee gobolka sanaag xiligaas oo abwaanku ka shaqaynayey dugsiga Boardinka ah ee dayaxa riwaayadaa waxa la odhan jirey ciil iyo caashaq. 1.Jacayl waakane kaalay 2.wejiyaal is xasuusta 3. jeel iyo jacayl 4.  Ciil iyo caashaq 5.Walaalaha Rumaad 6.Mee rasaaseed mee rageedi 7.garashaa garab weyday 8.Dad wadaaje qurbaw maxaad duul isu               keentay

Qaar Ka mid ah riwaayadaha abwaan Maxamed aadan dacar

Image
qaar Ka mid ah riwaayadaha uu hal abuuuray abwaan maxamed aadan dacar oo ah kuwa ay ka soo baxeen suugaan mug iyo miisaanleh oo bulshada u ah madadaalo abaaan maxamed aadan dacar waa mid ka mid shamacayda ilayska u ah fanka iyo suugaanta somalida,abwaanku keliya maaha abuur lakin sidoo kale waa heesaa cod halaasi ah leh welibana codadka heesa sameeya ama laxanka . 1.darruur halabsatay 2.farasaarkii jacaylka 3.beenay waa run 4.kas dumar oo kadaloob kaaga dambeeyey  5.kiiba maaha 6.bad jacayl 7.haduun baan wax ogaaday 8.biyo sarre tegay waa la sugayaa 9.dirqi maaha jacayl 10.hunguri wed ma arko 11 .daran dooriyaaba naas naasi.

Heestan waxaa sameeyey Aadan Tarrabi Jaamac waxayna ku jirtey riwaayadii Dakharada jacayl kala daraninaa

Image
Fiiro gaar ah: heestan iminka waxaa qaadaysa Caasha jamac ilko cas ina buluq maash waxaase la qaadi jirey Samsam axmed foolge oo la sheegay inay dalka djibout ku dambaysay lakin reer Hargeisa ahayd waana riwaayadii dakharada jacayl  ee abwaan aadan tarrabi jaamac

Erayada heestan waxaa leh Abwaan Aadan Tarrabi Jaamac

Image
daruur curataybaa anoo debed fadhiya igu soo da'dee doox soo rogmiyo duufaan  cir iyo daad baa isidee bal dawooy adaa dadna iigu dhaw dayi weyday hooy darxumadaan qabee nabsi lala dersaa danbabeer malre dib u fiirso oo yaanu kugu danbayn. Aamina beel durugtayoo doog raacday baad adna dayddaa dayax soo baxoo dabadeed dhacaad sii daawataa doqonniimo yay kula sii durkine dabar gali naftoo soo yara dabbaal waxaan kuu danayn ha ku daalinoo ha daldelin naftee daydayo mid kale. rooraaye maxaa ii danee aan dooniyee adi iiga daran duulaan sidii debedaha maroo bal dawooy adaa deris ii ahoo dayi weyday hooy darxumadaan qabee nabsi lala dersaa danbabeer malee dib u fiirso oo yaanu kugu danbayn. aamina wuu duuban yoo waana kuu dulmaray waanu daahanyee Derbi aan ilaah debec kaaga dhigin lama dumin karee doqonniimo yay kula sii durkine dabar gali naftoo soo yara dabaal waxaan kuu danayn ha ku daalinoo ha daldelin naftee daydayo mid kale....

Earayda Ismaacil Sh Axmed Cagaf Heestani waa heestii Calanka Somaliland ee 1960

Image
Waa udhimanynaynaa Dhulkayaga Inaan dhiig ku shubo Oo dhagar ku gallo waa ugu U dhaarsanahoo waa U dhimanaynaa dhulkayaga Dhalin iyo waayeel. Heestana waxa leh abwaankii weynaa ee Ismaacil Sheekh Axmed Cagaf ama Macalin (Hadhuudh) isagoo ceerigabo jooga ayuu soo diray kolkaas ayuu aabihii fanka somalidu cabdulaahi Maxamed Maxamuud Qarshe Laxanka ku ladhay Song Composed  by  Ismail Sheikh Ahmed( Cagaf) In Erigavo. Melody By Abdulahi Mohammed Mohamud (Qarshe).

Heestan( Geedi Caano leh)waxaa hal abuuray Macalin Siciid Saalax Axmed waxaa ku luuqeeya Macalin sayid Khaliifa

Image
  Geedi caano leh. Gadh hayeenka beeshoow Gaadiid hayinahoow Guri lagu minqaadiyo Goobtaad ku deelayd Geedihii naqa ahaa Hadii ay gahaydhaan Cawskii gubnoodo Dabadeena raad go Ga'ma kuuma yaale Gaadidka sooraroo Ha gibleeyo socotada Waa geedi caano leh Guryo samo ha lagu furo Gaaridii haweenkay soo geli Hogaan awr Qarqsiga ku gawsii Habka guriga loo raro Gurgur heeryo raroo jilci Garka dhaaf kabaalada Debegeliska caynbaydii Gur guree ilmaha oo Gibilkiyo jarcada saar Gaadiidka soo rara oo Ha gibleeyo socotada Waa geedi caano leh Guryo samo ha lagu furo Guud cadiyo barbaartay Geda lagu hayaansho Goor subax  jarmaado ah guuraha mirtii dhexe Ama galab carawsin hadaan gaatis Loo wadin waa galan galcoobaa Haduu maalin galona waa rara gubyoodaa Gaadiidka soo rara oo ha gibleyo Socotada waa geedi caano leh Waa geedi caano leh guryo samo Ha lagu furo. Heestan erayadeeda hal abuuray Ma calin siciid Saalax axmed Laxankana waxaa saaray Macalin Sayid khaliifa laxankuna waa isla Say...

heestan Cunaabi waxa Hal abuuray Dr Ibraahim xuseen Weyd

Image
Cir guduuda waagiyo timirtoo casaatiyo cilar rays ku baxayee doombir caana gelisiyo ubax caynbba cayniyo waxaad tahay cadceedo beeraha cagaarka leh camabah iyo caadkii ku cadayd nuurkii calaf waa halkiise caashaqan isoo ridey caaashaqan iskeen baray cawadii aduunkaay igu curay sidii roob, haduu caawa igu yidhi badda cagaha galiyoo timaha caarada u sooh soo xidho cunaabiga sadex qayd cartii loo wali caarad jabiniyo cambarsho iyo laasimiyo sintii ceerigabiyo haduu cududa ii sudhay ila caarid anigee calaf waa ha ha waa calaf waa calaf waa halkiise caashaqan iskeen baray ha igu carinin anigee Ku cuqtaye ma nabad baa, hogal curatay dayroo curur cidhifyadiisiyo coodana ku hoortoo intey xaadhay caymaha cosobkiyo barwaaqada cidii nabad ku daqdiyo farxad lagu caweeyoo xiksimooday cuudkii ayaad ii cajebisee xidigtii cirjiidhaay calaf waa calaf waa calaf waa waa halkiise caashaqan iskeen baray cawadii aduunkaay igu curay sidii roob, caanyo nacasa mooyee gaaridu ma caasido curadkii hagaage cii...

Erayadii Maxamed Aadan Dacar , Luuqdii Maxamed Warsame Qaasaali Iyo Sahra Siyaad

Image
Qaasali waan ku dheehadayoo aan kula dhacoo dhuuxaad gashee sida dhebiga iyo dhir hareereeriyaan kuu dhuganayaa habeen iyo dharaar halkii lay dhuftaan dhooh dhoodiyaa igu soo dhawoow  ii dhiib gacmaha dhiggaa baan ahoo kuu dhimanayee. Sahra Siyaad waad i dhaaftayoo Maalintii dhaweyd kuuma dhimin waxbee waad dhaadantee adoon dhaawac qabin ha u yeedhan dhibee haday kaa dhab tahay kolkii lagu dhuftiyo ii dhamee warkoo kaama dheeriyoo waan kugu dhawee dhankee kaa maraa? miyaan kugu dhegaa?. Qasali waad igu dhantoo igu dhererantoo i dhalaalisee igu dheertahoo dhabarkiyo lafaha dhuub uga dhigatee dhankaad eegta iyo dhinicii kastaba way jacayl dhabee igu soo dhawaw ii dhiib gacmaha dhiggaa baan ahoo kuu dhimanayee. Sahra Siyaad waad is dherer tayoo hadal dhaabadaad dhaqso ii tidhee maad dhuummanine wuu kaa dhanyee idhagaysoo anoon dhego adkaan dhaqankiyo hiddaha aan kula dhis...