Moogananaata dadkeena ee waxtraka geedka Mooliga ama Dragon Tree
Geedkan inta badan wuxuu ka baxaa dhulka Somaliland, sidoo kale meelo kala duwan oo dunida ahna wuu ka baxaa lakin anigu waxan ku arkay buurlayda gobolka Sanaag ma hubo inuu ka baxo meelo kale oo dhulka Somalida
ah magaciisuna waa (Mooli) oo wuxuu ka baxaa buurta korkeeda sarre afka qalaadna waxaa loo yaqaan (Dragon)
waa geed leh munaacafad dhanka dadka
iyo duunyadaba ah wuxu geedkani
sii daaya dareere cas oo afka qalaad
lagu yidhaahdo Dragon's Blood
hadaba xabagtan ayaa loo ismticmaala dhanka qurxinta dumarka oo waxaa laga sameeyaa
lipsticks ay dumarku ku qurxiyaan afkooda,
xiliyada qaar waxaa laga sameeyaa
Ranji la mariyo Furniture ka sidoo kale
waxa laga sameeyaa xabagta wax lagu dhejiyo
intaas oo keliya maaha ee waxaa loo isticmaala dhanka daryeelka caafimaadka
oo waxaa laga sameeyaa( calamine lotion)
dawooyinka lagula dagaalamo nabarada ka soo baxa jidhka sidoo kale waxa loo adeegsada
cadanyada ama cun-cunka iyo
nabar qalajiyayaasha ,waxa kale oo loo
isticmaala maadooyinka lagu nadiifiyo afka
ama toothpaste.

Comments
Post a Comment