Eryada Maxamuud Maxamed Yaasin (Dheeg) Laxanka Xasan Sabriye afrax Codkii Xaliimo Cumar Khaliif
Ma salguuro caashaqa
Ani sibiq ma igu yidhi
Intuu samada ila tegay
Saxar-qaadda fooraha
Dul-sabbee! ma igu yidhi
Dhalanteed ma igu sabay
Soojeede maqan oon
Seexanayn ma iga dhigey
Ani sibiq ma igu yidhi
Intuu samada ila tegay
Saxar-qaadda fooraha
Dul-sabbee! ma igu yidhi
Dhalanteed ma igu sabay
Soojeede maqan oon
Seexanayn ma iga dhigey
Ma salguuro caashaqa
Ani sahal ma igu helay
Intuu soortii iga jaray
Suun adag ma igu xidhay
Ma i saaray heegada
Wax sanceeya ma u la’ahay
Saakana maygu weyn yahay
Suxullada ma ii dhigay
Ani sahal ma igu helay
Intuu soortii iga jaray
Suun adag ma igu xidhay
Ma i saaray heegada
Wax sanceeya ma u la’ahay
Saakana maygu weyn yahay
Suxullada ma ii dhigay
Ma salguuro caashaqa
Ani salow ma igu riday
Sambabbadiyo feedhaha
Intuu surimmo kala baxay
Ma ku soofay xididdada
Seedihiyo lafaha iyo
Wadnihii ma sarayoo
Halistii ma sudhan yahay
Ani salow ma igu riday
Sambabbadiyo feedhaha
Intuu surimmo kala baxay
Ma ku soofay xididdada
Seedihiyo lafaha iyo
Wadnihii ma sarayoo
Halistii ma sudhan yahay
Fiiro Gaar ah: heestan waxaa hal abuuray
awbwaan Maxamuud Maxamed Yaasin (Dheeg)
Laxankana waxaa ku ladhay Xasan Sabriye Afrax
Comments
Post a Comment