Posts

Showing posts from March, 2019

Heesta la yidhaahdo Marti ama cudurka kaa gala fardaha ma abwaan Maxamed Jaamac (kayd) baa leh mise abwaan Xasan Xaaji Cabdulaahi Ganey

Heestan waxa la yidhaahda Marti sida uu afkiisa ka sheegayo abwaan Kayd oo xidhiidhinaya barnaamijku, isagoo u yeedhaya Khadra Daahir Cigge ayaa wuxuu odhanayaa Khadra Daahir Cigge waxay inoo qaadi doontaa heestii (Marti) erayaddeedana waxa leh Abwaan Maxamed Jaamac Kayd hadda ogow waana xidhiidhiyaha barnaamijka halkan kaga bogo kayd oo sidaa  afkiisa ka sheegaya

heesta aduunyooy walaalay abwaankee sameyey ma Xasan Ganey Mise Sangub?

heestan adduunyooy waalalay waxa iminka qaadaya fanankii Maxamed Caraale Maxamed waxayna ku jirtaa riwaayadii Masiibaddu iyadaa u Macalin ah aduunyadda ee abwaan Xassan Xaaji Cabdulaahi (Ganey) si kastaba ha ahaate dadku waxay sheegaan in heestan uu leeyahay abwaan sangub qaar kalena waxay sheegaan in Xasan Ganey leeyahay dadka sheegaya in xasan ganey leeyahay waxa ka mid ah abwaan kayd iyo fanaan Maxamed Caraale oo heesta isagu qaadaya. lakin halkan waxa markhaati ka furraya abwaankii heesta qaaday oo afkiisa ka sheegaya in heestan uu leeyahay xasan ganney isagguna waxa ku waafaqaya oo ku raacayaa hadalkaa Abwaan Maxamed Jaamac Kayd oo odhanaya heestan aniguna waxbaan ka ogaa oo xasan ganey ayaa sameyey laxankana waxaa sameyey Sangub Musicana waxa tumay Goobe sidaa ayuu leeyahay abwaan Kayd oo ah ninka cod baahiyaha ku soo dhawaynaya fanaan Maxamed Caraale Maxamed. dhanka kale isaguna waxa jirra waraysi laga qaaday fanaan Cali Gacal Guulled waraysiga cali Gacal guulled wuxuu...

Heestii Ogow Garrina laba ruux ilkaa uma guduudo codkii Magool Erayadii Abwaan Saxardiid Maxamed jebiye

Image
Earaydda heestan waxa sameeyey abwaanka weyn ee saxardiid Maxamed Ismaacil Jebiye. gigmadaw sideena gibill layga saaree ogow garrina labo ruux ilkaha uma guduudee gobtankan aan joogaa haduu iigu soo galo sideebaan u garran lahaa? caqligay gadanyahoo golwaha iftiimiyo gudcur baan hadh moodee ogow garrina laba ruux ilkaha uma guduudee galiilyaa jidkhayga gebigii ka duushee gebo gebo habeenbaa hadh gadiiday modee gadhka kaan u xidhan lahaa haduu hortay go,o ana aan goblamilahaa maaha geesi warran ganee ama gacan sheegtoo gole arrini timi waa kii soo gudoomee

Magool Iyo Cismaan gacanlaw erayadii Saxardiid Maxamed Jebiye

Image
Erayadda heestan wax leh abwaanka weyn ee Saxardiid Maxamed Ismaacil Jebiye.  Cismaan gacanlaw Hurayoo naftiisi hibeeyaan ahoo hawsha ha igu eegine Magool halka aad ka joogtaa ana kaala haynee ha u qaadan inanyoow inaan kaa han weynee Aah Aah Aah Ah Cismaam Gacanlaw soo horjoogsigaagay naftu hibataayo hadii aan ku waayo hurdo seexan maayo hibashada ka daayo iga  samir sii Magool Anba waan hubaa ax naf ku haybinaysee ma doonay hoobaan? hadalkaaba filee hadii aan ka dhacay meel waan ku iloowshiin aah aah aah Cismaan Gacanlaw dabkii aad hurisaa holcanaaya laabtoo

Heestii( Hibo) ha dhicin ha jabin Luuqdii Cismaan Cabdi Kariim Gacanlaw Iyo Codkii Xaliimo Cumar Khaliif( Magool)

Image
Eryadda heestan waxa leh abwaanka weyn ee Saxardiid Maxamed Ismaacil Jebiye . Hiboy hunguri in uu wadkaa yahayoo Hadduu ku haleelo kula hadha oo Heddaada jaraayoo ma og tahay? Haa, haa, haaa Haddaa, ha jabin ha dhicin Hiboy adaan kuu hoggaansanahee Haybow in aan ahay habeendhaladoo Hillaac iyo hog aan leeyahayoo Hawadaa la ciyaaro ma og tahay? Haa, haa, haaa Haddaa, ha jabin ha dhicin Haybow adaan kuu hoggaansanhee Hiboy in aan aabbahaa hubsadoo Adduun hoday oo la leeyahayoo Hoos uu kuu bixinaayo ma og tahay? Haa, haa, haaa Haddaa, ha jabin ha dhicin Hiboy adaan kuu hoggaasanahee Hayboy in aan aabbahay huba oo Halmaamay kuwii uu la hayoo Adduun i hodaynin ma og tahay? Haa, haa, haaa Haddaa, ha jabin ha dhicin Haybow adaan kuu hoggaasanahee Hiboy in ay hooyadaa huruddoo Hirkii dhalanteedka haahaabo tidhiyoo Mid kaleeto la heshiisay ma og tahay? Haa, haa, haaa Haddaa, ha jabin ha dhicin Hiboy adaan kuu hoggaasanahee Haybow in ay hooyaday hu...

Heestii ubax la moodyow ana abaartiyo adi la'aanta igu ogow

Image
Erayada Heesta waxa Sameyey abwaanka Weyn ee Saxardiid Maxamed Ismaacil Jebiye luuqduna waa xaliimo Cumar  Khaliif Magool Markaan Ku eegobo waxaan idhaahdaa yaa oomanantiisa ku ididiishee way kuu ahatee ubaxlamoodyoow, ubax la moodyow ana abaartiyo adi la'aanta igu ogow ililo roob helay adaa u guuray iftiinka nolosha way kuu ahaatee ubaxlamoodyow ana abaartiyo adi la'aanta igu ogow markaad ud bahaliyo hirdoogle aragtaa ani asaagay ug dheer ku tuurtee ubaxlamoodyow ubaxlamoodyow adi la'aantaa abarta igu ogoow hadaad eed fali

Raad Raacii Riwaayadii Reer ba'aw yaa ku leh ee ay wada sameyeen abwaan Jaamac saleebaan tubeec ,abwaan Maxamed Jaamac Ilkacase Iyo abwaan Maxamed ibraahim warsame Hadraawi

qoraallaykayga hortii waxaan jecelahay inaan iidinku salaamo salaaanta islaamka Asalama calaykum . Salaan dabadeed Waxan akhristay qormooyin dhawr ah oo lagu daabacay mereeegaha internet-ka muddo horre  qoraalkaasi waxaa ciwaan looga dhigay sooyaalkii taarikheed ee Maxamed Jaamac (Ilkcase) welibana aan filayo in qormooyinka loo bedelay buug ka hadlaya taarikhda abwaanka. anoo og qiimaha abwaanka isla markaana ka dheregsan dhumucda suugaantiisa haddana waxan jeclaystay inaan  tilmaam ka bixiyo saddex khalad oo qormadaa kujira  dhamaanteen xil baa inaga saaran inaynu saxno taarikh kasta oo la xidhiidha suugaanta oo aynu aragno in qalooc ku jiro sababtoi ah waxa khaladkaa dhaxlaya jiilasha soo socda  yadoo weliba laga fogaanayo eex ku dhisan suugaantuna waa waxa keliya ee aan geli karin eex iyo wixii la mid ah. Saddexadan khalad waxay kala yihiin sidan: khaladka koowaad waxa weeye in qoraagu yidhi riwaayadii (reer ba'aw yaa ku leh) gebi ahaanba waxa l...